Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Xasan Macallin: Al-Shabaab dowlad bey ahaayeen, haddase…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Macallin.jpeg?fit=2048%2C2023&ssl=

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin oo ka hadlayay dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay lumisay awooddii ay laheyd, kadib duulaanka culus ee ay haatan ku qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Xasan Macallin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hadda kusoo koobantay is difaacid oo kaliya, isla-markaana xukunkii iyo ciqaabtii ay ku hayeen shacabka ay meesha ka baxeen.

“Nimanka koontaroolkii waa lumiyeen maxkamado ma lahan, ciqaab ma lahan, garbaash ma lahan meesha waa ka baxeen wixii ay sameyn jireen ee looga cabsan jiray” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa tilmaamay in sida dowlad oo kale ay u shaqeyn jireen markii hore Al-Shabaab, balse ay hadda lumiyeen dhammaan awoodihii ay wax ku xukumi jireen.

“Nimanka waxay kusoo uruureen burcad qoryo wadata oo furimaha dagaalka aadeysa kaliya ayay kusoo hareen niman dagaalamaya oo dabley ah, awal dowlad bey ahaayeen oo meesha xukunta marka koontaroolkaasna waa lumiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay guul weyn ka gaartay dagaalkan, taasna ay ku timid taageerada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Xasan Macallin ayaa intaasi kusii daray in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyay adeegyada muhiimka ee dowladnimada, taasna ay tahay guul kale oo weyn.

“Meesha dowlada Soomaaliyeed guulaheedu ay sii korodhay meel kasta oo timidna ay ka dhistay nidaamkii dowladiga ahaa, garsoor iyo saldhigyo boolis” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka, waxaana howlgallada dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

The post Wasiir Xasan Macallin: Al-Shabaab dowlad bey ahaayeen, haddase… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this