Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
386653270_676983111197505_29927902288681

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaalla golaha.

Inta badan badan xubnaha golaha wasiirada ayaa soo xaadiray shirkan oo lagu meel-mariyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah.

Golaha Wasiirada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Labadan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo gudbiyay  Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxayna muhiimad gaar ah u leeyihiin xujeyda iyo sidoo kale daryeelka guud ahaan bukaannada Soomaaliyeed.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee golaha wasiirrada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray kulan golaha.

Wasiirada Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin furinta hore, ayaga oo wax ka hoggaaminayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa dagaalkan iska kaashanay dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana furaha u haya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan magaalda Dhuusamareeb.

386598502_676983847864098_65889469539591 386602204_676985081197308_89356270167133 386653270_676983111197505_29927902288681 386653290_676983627864120_25608413529359 386598957_676983741197442_58705588761811

The post Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this