Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo shaacisay goorta ay la baxeyso ciidanka ka jooga Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaan-Aaden-Barre-Ducaale-600x330.j

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Aadan Batrre Ducaale oo hortegay Aqalka Senate-ka ee dalkaas ayaa shaaca ka qaaday goorta ay ciidamadooda kala baxayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATIMIS ee Midowga Afrika.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ciidamadooa ay Soomaaliya kala baxay marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay ku beegan tahay muddo xileedka dhammaan ciidanka ka socda dalka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

“Ciidamada ugu dambeeya waxaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya 31-ka December 2024 sida ku cad qaraarka iyo qorshaha Midowga Afrika (Midowga Afrika) iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Ducaale oo la hadlayay Aqalka Senate-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan uu si tartiib ah ku socda qorsha bixitaanka ciidankan, maadaama ujeedka uu yahay in amniga lagu wareejiya ciidanka Somalia.

Waxa kale tilmaamay  in ka bixitaanka ciidamada KDF ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Wasiirka ayaa xusay in muddada dheer ee ay ciidankooda ka howlgalayaan Soomaaliya ay guullo waa weyn ka gaareen amniga iyo sidoo kale la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Ducaale ayaa sidoo kale ballan qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamadeeda ay kasii taageeri doonaan, sidii ay u hanan lahaayeen amniga, sidoo kale ay xaqiijin lahaayeen Soomaaliya oo xasiloon, kana caagan Argagixisada saldhigatay.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha dalka, waxayna ciidankeeda soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, iyaga oo tan iyo markaas ka howlgalaya gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale gobolka Gedo ee koonfur Soomaaliya.

Ujeedka Kenya ayaa ahaa inay ka hortegto halista Al-Shabaab, balse waxaa ay illaa iyo hadda la kulantaa weeraro khasaare gaysta oo ay kooxda ka fuliso gudaha dalkaasi.

The post KENYA oo shaacisay goorta ay la baxeyso ciidanka ka jooga Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this