Deeq A. Posted October 5, 2023 Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal ammaan dari ah. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay ganacsade lagu magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen. Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Ganacsadaha la dilay oo magaalada kasoo jeeda ayaa muddooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Beledweyne. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday marxuumka iyo cidda ka dambeysay dilkiisa, mana jiro war rasmi ah oo kaoso baxay maamulka iyo saraakiisha amniga. Beledweyn ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay beegsi xoogan ku haysay Al-Shabaab,maadaama magaaladaas uu ka socda abaabul ka dhan ah kooxda Todobaadkii hore ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhinteen ay Al-Shabaab ka fuliyeen Beledweyne, kaas oo loo adeegsay gaari siday walxaha qarxa.The post Xasan Xaaji Daahir oo lagu dilay magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites