Sign in to follow this  
Deeq A.

Senetaro Maraykan ah oo ka walaacsan soo celinta Xiriirka Israel iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-b965-08db764af542_w40

Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.

Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh.

Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay.

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka go’an in ay xaqiijiso heshiis militari oo dhigaya in Mareykanka uu difaaco Boqortooyada taasi oo ay dhaafsaneyso xiriirka Israel, umana joojin doonto heshiiska xitaa haddii Israel aysan bixin tanaasulaad weyn oo la xiriira dhanka Falastiiniyiinta.

PUNTLAND POST

The post Senetaro Maraykan ah oo ka walaacsan soo celinta Xiriirka Israel iyo Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this