Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo Arbacadii dhexmaray ciidamada degaanka iyo Shabaab.

Wararka ayaa xaqiijinaya in tobanaan qof ay ku dhinteen dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug.

In ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa dagaalka kaga dhintay ciidanka degaanka sida ay sheegtay laanta Af-soomaaliga ee VOA-da.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa dhankooda shaaciyay in ay maleeshiyaad badan Shabaab kaga dileen dagaalka oo saacado dheer socday.

PUNTLAND POST

The post Saraakiil iyo mas’uuliyiin ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this