Deeq A. Posted October 4, 2023 Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Saciid Sulub ayaa xaqiijiyay arrintaan, isaga oo sheegay in dhoofkii xoolaha Somaliland uu ku istaagay amar kasoo baxay Jidda. “Hakadaka halka Jidda ayuu ka yimid, xoolaha dalal badan ayay u dhoofan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa inshallah, mana raagayso,” ayuu yiri wasiir Sulub oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Horn Cable. Wasiir Saciid Sulub ayaa rejo wanaag ka muujiyay in dib loo furo dhoofka xoolaha ee Sacuudiga uu hakadka galiyay, isaga oo sheegay inay wadaan dadaalo la xiriira arrintaas. “Dhinac walba howsha waa kala xidhiidhnay waxaa filaynaa howl deg deg ah. Shirar ayaa ku jirnaa illaa maanta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay lug ku leedahay go’aanka Sacuudiga uu ku joojiyay xoolihii Somaliland looga dhoofin jiray, “Qoladii la inagu saliday (Somaliland) ayaa filayaa inuu xaggeeda warkoodu ka yimid weyna iska xalismeysa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ganacsatada Sacuudiga ay daneynayaan maalgashiga Somaliland, islamarkaana xukuumadda uu ka tirsan yahay waqti ku bixinayso sidii ay ugu fududeyn laheyd, sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha. Si kastaba, Dowlada Sacuudiga ayaa horay marar kala duwan u joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, ayada oo Somaliland ku eedeysay dowladda federaalka istaaga dhoofka xoolaha oo reer Somaliland dakhli badan ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa, islamarkaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda magaalada Berbera.The post Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Somaliland appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites