Sign in to follow this  
Deeq A.

Tallaalka duumada oo jaban oo ay soo saartay Jaamacadda Oxford

Recommended Posts

Deeq A.   

Tallaalka duumada oo jaban, isla mar ahaantaana la soo saara xaddi aad u badan ayaa ay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO), ku talisay.

Tallaalkan oo ay soo saartay Jaamacadda Oxford ayaa ah tallaalkii labaad ee duumada ee la sameeyo.
Duumadu waxay dishaa inta badan dhallaanka , waxayna noqotay mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee bani’aadanku wejahayo.

Waxaa horey u jiray heshiisyo lagu soo saarayo in ka badan 100 milyan oo qiyaasood sannadkii tallaalkaas, se ma ay guulaysan.
Soo saarita tallaalkan ayaa ahaa hawl qaadatay qarni uu jiitamayey dedaal cilmiyeed ah si loo soo saaro tallaal wax ku ool ah oo ka dhan ah duumada.
Waxaa 2016kii khatar ugu jiray cudurka duumada kala bar dadka ku nool adduunka.
Tirada kiisaska duumada ayaa gaaray 216 milyan oo ka jira 91 waddan, marka la barbardhigo 2015kii oo ahayd 5 milyan oo kiis.
Soomaaliya, duumada ayaa ka jirta guud ahaan dalka, gaar ahaan koonfurta iyo badhtamaha dalka sida ay baahisay WHO.
Sannadkii 2021, waddanku wuxuu xaqiijiyey 8101 kiis oo duumo ah iyo 2 dhimasho ah oo la xidhiidha, taas oo ahayd hoos u dhac weyn marka la barbar dhigo 31 021, 22 665 iyo 27 333, oo ay tiradu ahayd sannadihii 2018, 2019 iyo 2020, siday u kala horreeyaan, taas oo ay ugu wacan tahay saamaynta barnaamijka xakamaynta duumada ee ay taageerto WHO.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qabta se in hoos u dhac weyni jiro isla mar ahaantaana.
“Mallaariyada horta wixii toban sano ka horraysay dad badan baa u dhiman jirey, se hadda kahortag la sameeyey hoos ayay u dhcday” Ayuu yidhi Cali Cabdiraxmaan Cismaan, oo ah agaasimaha caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka.
Meelaha ay u daran tahay duumadu ayuu agaasime Cali ku sheegay magaalooyinka aanay webiyadu marin, inkasta oo ay ku badan tahay dhulka webiyada, bal se waa ay ka khatar yar tahay kuwa kale ayuu faahfaahiyey.
“Meelaha ay kaneecadu ku badan tahay dadkoodu difaaceeda ayaa ay la qabsadeen, waxaana sidaa ah dhinaca koonfurta laakiin dhanka bariga iyo waqooyiga kaneecaduu way ka jirtaa laakiin iyaga ayay uga halis badan tahay marka loo eego dhanka koonfurta maadaama aanu difaacoodu la qabsan”
Goormaa la filayaa Soomaaliya soo gaadho tallaalkaasu?
Ku dhawaad siddeed iyo toban milyan ayaa WHO ay tallaalkaas ugu tala gashay Afrika. Kuwaas oo loogu horraynayo geynta sida ay ugu kala halis badan yihiin xanuunka duumada.
Laakiin Soomaaliya ayaa ah raaca labaad taas oo ka dhigan kaddib qaybta koowaad in uu soo gaadhi doono, xilli loogu kala horaynayo sida ay waddammada ugu kala halis badan yihiin faafitaanka iyo waxyeellada duumada.
“Wakhti rasmi ah nalooma qaban, adduunka waddamo badan oo naga daran ayaa jira sidaa daraadeed waa la kala muhiim san yahay, kolkaa way kala horreeyaan, annaga waxaan nahay qaybta labaad” ayuu yidhi Agaasime Cali Cabdiraxmaan oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya
Maxaa dhibaato ka dhigay in Malaariyada laga adkaado?
Iyada oo caalamka uu muddo kooban ku soo saaray tallaalka fayriska korona, haddana waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso sababta ay muddada intaa dhan u qaadatay in tallaalka cudurka Duumada ama mallaariyada loo soo saaro.
Duumada waxaa sababa cayayaanka loo yaqaano kaneecada taasi oo ka awood badan fayraska dhaliya Covid-19.
In aad labadan xanuun Isbarbar dhig ku sameyso waxay la mid tahay isbarbar dhigga qof iyo khudaarta kaabashka loo yaqaano.
Marka qofka jirkiisa ay gasho malaariyada waxay saameyn ku yeelataa nidaamka difaaca jirka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this