Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Kormeer shaqo ku Tagay Boorame

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231004-WA0000.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo safar shaqo ku tagey gobolka Awdal ayaa xadhiga ka jaray Xanaanooyinka Hooyadda iyo dhalanka ee degaanada Ido-cadays iyo Garaaca ee gobolka Adal.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehelinayay wasiirku xigeenka Wasaaradda Macdanta tamarta iyo Macdanta, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada, isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka awdal, duqa dagmada lughaya,iyo masuuliin ka socotay Haayadda Camuud Foundation.

Wasiirku xigeenka oo halkaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay ayaa bulshada deeganka laga hirgeliyay xarumahan Caafimaadka kula dardaarmay inay ilaashadan xaruman sidoo kalena ka Faa’iidaystaan xarumaha lana shaqeeyaan Shaqaalaha Caafimaadka ee u adeegaya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this