Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelihii ku Diriray Ceel Afweyn oo Nabad Iclaamiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beelihii ku Diriray Ceel Afweyn oo Nabad Iclaamiyay

Hargeysa(Qaran news)- Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay gobolka Sanaag ayaa maanta ku dhawaaqay nabad lagu soo afjarayo colaadii ka dhacday deegaankaas.

Waxgarad ku hadlayey labada ardaa ayaa ballan qaaday inay nabadda ka shaqeynayaan iyo soo afjarista colaada halkaas ku soo moqnoqotay.

Guddi ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadda ay isla qaateen labada beelood ee dirirtu dhexmartay. Waxaanay sheegeen in nabaddu ay leedahay dad badan oo cadow ku ah oo loo baahan yahay in wadajir looga taxadaro.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay beelahan kala shaqeynayaan sidii ay nabad buuxdaa uga hirgeli lahayd degmada Ceel Afweyn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this