Sign in to follow this  
General Duke

Sharm Al Shiekh- Yusuf of Somalia Qadafi hold talks

Recommended Posts

Madaxweynaha dowladda Federaalka C/Laahi Yuusuf oo kula kulmay Madaxweynaha Wadanka Liibiya Magaalada Sharma Sheekh .

 

June 30 2008 Radiofreesomalia.com

 

Waxaa maanta ka furmay Magaalada Sharma Sheekh Shirkii 11.aad oo ay halkaasi ku lahaayeen qaar kamid ah Ururka Midowga Afrika iyadoo halkaasina ay ku kulmeen madax fara badan oo Afrikan ah.

 

Furitaanka shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyada looga hadli doono shirka, waxaana kamid ah barnaamijyadaasi Arrimaha wadanka Soomaaliya iyo wadamo kale oo afrikan ah oo dhibaatooyin xoogan ay kajiraan.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Sharma Sheekh Hoggaamiyah Kacaanka Liibiya Korneel Mucammar Al-qadaafi iyaga oo ka wada hadlay xaalado fara badan oo kajira gudaha wadankani dhaca geeska Afrika ee Soomaaliya.

 

Kulamo ay leeyihiin Madaxda Afrikanka ayaa kasoconaya Magaalada Sharma Sheekh ee Wadankaasi Masar halkaasi oo ay isku wareysanayaan, iyadoo madax waliba ay isu soo bandhigayaan dhibaatooyinka heysta wadamada Afrikanka ah.

 

Madaxweynaha Liibiya iyo Kan Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale kula kulmay Magaalada Sharma Sheekh Idriis Deybi oo ah Madaxweynaha Wadanka Jaad iyo madax kale.

 

Shirkani ka furmay magaalda Sharma Sheekh ayaa lagu wadaa in uu kasoo boxo qodobo wax ku ool ah oo arrimaha Soomaaliyana ay kamid tahay kuwa ugu xasaasisan oo shirkaasi sida aadka ah loogu falanqeyn doono

 

 

RFS _ Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this