Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Laba bilood kadib safarkii Xasan, natiijada dagaalka Al-Shabaab waa sidan

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dib u doorashadiisii -kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Madaxweynaha ayaa hadda muddo laba bilood ah ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab laba bilood kadib?

Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa ka hadlay arrimo ku aadan gulufka dagaal ee uu madaxweynaha ka wado Dhuusamareeb.

Taardhuleed ayaa shaaca ka qaaday in laba bilood kadib aan natiijo weyn laga gaarin dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sababta ku sheegay in weli dhufeys looga jiro aagga magaalada Dhuusamareeb, taasna ay muujineyso in aan horay loo sii dhaqaaqin.

“Safarka madaxweynaha waxaan dhihi karnaa ma guuleysan sababo jiro aawgood. Guusha guul darrada waxaan ku qiimeyneyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab xaggee joogaa maanta, aniga waxaan is leeyahay safarkii madaxweynaha uu ku yimid 5-tii bishii 8-aad  maanta meesha uu joogaa ma’aha meesha uu rabay madaxweynaha” ayuu yiri Taardhuleed

Waxaa kale oo uu ku daray “Madaxweynaha oo Dhuusamareeb joogo in maanta uu dhufeys ka qodan yahay oo difaac looga jiro Dhuusamareeb ma’ahan dagaal Shabaabkiis”.

Cismaan aardhuleedm oo hadalkiisa sii wata ayaa sababta ku sheegay in dagaalka ay fashiliyaan kooxda ka hoos shaqeyneysa madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga gaabiyay abaabulka ciidamada iyo shacabka ka qayb-qaadanayaa dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Isku xirnaan la’aan ayaa jirto teamka dagaalka uga wakiilka ah ayaan dagaalka sidii la rabay ugu jirin haddii ay tahay abaabulka ciidanka iyo haddii ay tahay abaabulka bulshada, waxaa jira dal-daloolo wey” ayuu mar kale sii raaciyay wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan howlgalladuu xoogoodu ay ka socdaan Galmuudg iyo HirShabelle, isla-markaana dhul ballaaran lagu xoreeyay, walow magaalooyinka qaar ay dib uga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

The post Daawo: Laba bilood kadib safarkii Xasan, natiijada dagaalka Al-Shabaab waa sidan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this