Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: MADAALE oo ku dhawaaqay go’aan farxad geliyey shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
guddoomiye-yuusuf-madaale.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta ka hadlay munaasabad xarigga looga jaray waddada Taleex ee degmada Hodan ayaa ku dhawaaqay go’aan farxad geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa shaaca ka qaaday in bishan gudaheeda la furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee caasimada, si culeyska looga yareeyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bishan October ay noqon doono bisha furista waddooyinka, isla-markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin deg-deg ah, ayaga oo kaashanaya xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ammaanka oo markii hore keentay in la xiro jidad muhiim u ah shacabka, wuxuuna tilmaamay inay iskaashan doonaan hay’adaha amniga, maamulka gobolka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Bishaan waxay noqon doontaa bisha furista waddooyinka, dadka waxaa laga yaabaa inay is yiraahdaan dalku dagaal ayuu ku jiraa, laakiin annagaa isku filan” ayuu yiri Madaale.

Dhanka kale, waxa soo hadal qaaday dhismaha waddooyinka caasimada, isaga oo sheegay inuu guuleystay mashruuca dhismaha jidadka oo ay ka qayb qaadanayaa shacabka.

“Mashruucii 1 dollar ku dhiso dalkaaga horayna waa u najaxay, mar labaadna waa najaxyay reer Hodana waxay garwaaqsadeen muhiimada ay leedahay waddadan” ayuusii  raaciyay.

Hadalkan ayaa Duqa Muqdisho waxaa uu sheegay, isaga oo uu hareer taagan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna goobjoog joog ahaa xarig jarka waddada Taleex.

The post Daawo: MADAALE oo ku dhawaaqay go’aan farxad geliyey shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this