Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulanka Xasan iyo Lafta-gareen: 3 qodob oo miiska saaran iyo mid u baahan xal deg-deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-iyo-laftagareen.jpg?fit=204

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo hadda saldhig u ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay ayuu Lafta-gareen tegey magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay kulmeen madaxweynaha, xilli mucaaradka Koonfur Galbeed ku adkeysanayaan inay berri tegayaan magaalada Baydhabo.

Saddex arrimood ayaa Xasan Sheekh midkood laga rabaa, kadib kulanka isaga iyo Lafta-gareen.

1. Ka dhabeynta heshiiskii Baydhabo

Heshiiskii Baydhabo, ee horraantii bishii Febraayo ee sanadkaan oo deegaankaas doorashadiisa bilaabato horraanta bisha soo aadan ee November.

Tani waxay badbaadineysa sumcada iyo ballamaha madaxweynaha, waxay kalsooni siinaysa dadkii taageeray ee dhaqaalaha ku bixiyay heshiiskaas, waxay kale oo kahortag u tahay gacan ka hadal kale oo ka dhaca magaalada Baydhabo.

2. Ama inuu ku adkeysto heshiiskii ka dambeeyay midka Baydhabo

Heshiiskii midkaasi ka dambeeyay ee 27-kii May oo ahaa in sanad kale la siiyo dhamaan madaxda maamullada marka laga reebo hoggaamiyaha HirShabeelle.

Haddii uu middaan qaato wuxuu Xasan Sheekh dooranaya inuu la shaqeysto dhamaan madaxda maamullada ee waqtiga ka dhamaaday. Ka sakow in la ogyahay in isaga daacad u noqon doonin waxaa kale oo aan la hubin in xataa dagaalka kala shaqeyn doonaan.

Qaadashada go’aankan waxa uu ka dhigan yahay inuu burburayo heshiiskii siyaasadeed ee magaalada Baydhabo. Haddii madaxweynaha taas qaato kadibna magaalada Baydhabo markale fowdo gasho masuuliyadda waxaa markaan qeyb ku yeelan doonta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

3. Raadinta dib u dhigis dhowr billood ah

Middaan waxay noqon kartaa in Xasan Sheekh uu markale dhinacyada isku keeno oo uu ka dhex raadiyo dhowr billood oo dib u dhigis ah, si uu usoo dhameystiro wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan u joogo magaalada Dhuusamareeb.

Inkasta oo aan la ogeyn sida arrintaas mucaaradka Koonfur Galbeed ugu qanci karaan, haddana in dib loo wada-hadlo oo xitaa Dhuusamareeb la iskugu tago ayay dadka qaar qabaan inay xaalada wax uun ka beddeli karto.

Kooxda Lafta-gareen waxay sheegayaan inay rabaan in doorasho isku caano-shub ah qabsadaan oo ay Xasan Sheekh ku yiraahdan doorasho nuucaas ah noo fasax oo aqbal, laakiin uma badna hadal noocaas ah oo sharci jabin iyo xoog sheegasho iskugu jira loola tagi karo madaxweyne Qaran isagana uu aqbali karo.

Mucaaradka Koonfur Galbeed waxay weli ku adkeysanayaan inay berri aadayaan Baydhabo, in garoonka diyaaradaha laga soo celin doono ayay dadka qaar u badinayaan.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u cadeeyay in aan muwaadiniinta laga hor istaagi karin dhaq-dhaqaaqyada socdaalka iyo kuwa siyaasadda ayaa laga yaaba inuu soo fara-galiyo mowduucan oo kamid ah waxyaabaha keeni kara in mucaaradka iyaguna ku fikiraan inay qaadan tallaabooyin qaldan.

Tani waxay u baahan tahay xal deg deg ah.

The post Kulanka Xasan iyo Lafta-gareen: 3 qodob oo miiska saaran iyo mid u baahan xal deg-deg ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this