Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   
131323770_busgetty.jpg.webp?resize=800%2

Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo dalxiisayaal ajaanib ah, ayaa ku dhintay habeenimadii Arbacada soo galeysay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii bas ku socday methane uu ka dhacay buundada Venice, kadibna uu dab qabsaday.

Dhimashada inta la xaqiijiyey waa ugu yaraan 21 geeri ah iyo in ka badan 20 qof dhaawac ah oo isbitaallada la dhigay,” ayuu yiri Luca Zaia, guddoomiyaha gobolka Venice.

“Waxaa socda dadaallo lagu soo saarayo laguna aqoonsanayo maydadka,” ayuu yiri. “Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad dhowr jinsiyadood ah, ma ahan Talyaani oo keliya.”

Sarkaal ka tirsan aqalka dowladda hoose ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay Ukraine halka wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA ay sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan muwaadiniin Jarmal iyo Faransiis ah.

PUNTLAND POST

The post Shil dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this