Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Muqdisho oo dib-u-dhis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696405913969.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii Muqdisho ay ku suntanayd.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda.

Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

FB_IMG_1696405869716.jpg?resize=720%2C46 FB_IMG_1696405874050.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405878092.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405882202.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405886371.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405900116.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405890239.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1696405904166.jpg?resize=720%2C50

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamsa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Muqdisho oo dib-u-dhis lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this