Deeq A. Posted October 4, 2023 Ganacsatada Xoolaha oo lagala Hadlay Doorka ay ku yeelanayaan Madasha Dhaqaalaha Hargeysa(Qaran)-Waxa Maanta ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Shir uu shir-gudoominayay Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Mudane Dr. Ahmed Ali Maax oo lagaga wada tashanayay ka qayb qadashada shirwaynaha labaad ee Madasha dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Economic Forum), 2023. Shirkaas oo qabsoomi doona 14/10/2023 ilaa 15/10/2023, kana qabsoomi doona Hotel Ambassador. Kulankaas waxa ka soo qayb galay maalgashatada iyo ganacsatada Xoolaha, digaaga, Geelayda (Caanaha Geela), Shirkadaha kalluumaysiga iyo ganacsatada Kalluumaysiga. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites