Sign in to follow this  
Deeq A.

“Bishii Doorashadu way Bilataye aynu Caloosha u sii Deyno” Guddoomiye Maxamuud Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

“Bishii Doorashadu way Bilataye aynu Caloosha u sii Deyno” Guddoomiye Maxamuud Xaashi
IMG-20231003-WA0010.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuyd Xaashi Cabdi ayaa sheegay in bishii doorashadu bilatay loona baahan yahay in caloosha loo sii daayo.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Siyaasaddu waxay leedahay filan-waa iyo fajicisooyin, aan mararka qaar jilayaasheedu ka fekerin, oo filkanax ku ah, maadaama aanay baarka u fidhan.

Fadka iyo Falanqaynta Siyaasadda, lagama fiiriyo faalka, iyo cilmi felega. Haseyeeshee, waxaa laga fiiriyaa, fooraha dabaysheeda iyo faq hoosaadka filkeeda.
Muran dheer oo ma dhalays ah, iyo is maan dhaaf aan miciin dhaamin mindi- mindi ku taag, ayaa u muuqda in uu soo gaba-gaboobayo. Waa Eebbe mahaddii, Mar haddii ay mudanayaasha aqalka wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen, xeerkii doorashooyinka isa saarka ahaa, ee danta la biday.

Xeerkani ma aha, mid gaar u xaqsiinaya, urur ama xisbi gooni ah. Balse, xeerkani wuxuu ku ahaa, urur siyaasadeedyada tunka weyn, ee uu Kaah ka midka yahay, tumaati iyo tantoomo culus oo aan tudhaale lahayn.
Si kasta ha ahaatee, nin aan wuxuu leeyahay ka tegin nin ma aha, ee waxaannu urur ahaan u tanaasulnay danta guud, ee dalkayaga iyo dadkayaga, annaga oo aan waxba weydaarsan (مقابل لا شيء).

Isku soo duuboo, baahi weyn ayay u qabaan bulshada Somaliland, in ay mar uun indhahoodu bidhaamiyaan, bishii doorashada oo bilatay. Waxaan leeyahay daneeyeyaasha, kala duwan ee doorashada, haddii aad sidaad doonayso weydo, sida aad ka fursan weydo ayaa la yeelaa.

Sidaa darteed, aynu caloosha u sii deyno doorashada isa saarka ah.

Waxaan leeyahay heestii Geela loo qaadi jiray, marka la soo horayo, Shifo ku afsaar, oo shar kuuma leh.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this