Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Laftagareen oo ka dagay Dhuusamareeb + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
385049788_884770979880621_77795939284818

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah ka dagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Laftagareen ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay dhiggiisa Galmudug, Mudane Axmed Cabdo Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulamo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen.

Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay.

Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda.

Xubnahaan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmeen Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Koonfur Galbeed.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna sidoo kale magaalada Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taasi oo ay kaga dhawaaqeen go’aanno culus oo ka dhan ah Lata-gareen, oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Si kastaba, Doorashada maamulka marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

383351391_884771086547277_59120160550334 384775654_884771173213935_31717083253239 385049788_884770979880621_77795939284818 386227694_884770433214009_86334941921094 386229682_884770356547350_18146574407698 386239225_884770313214021_66364764771784 386247308_884770669880652_64760548045216 386635099_884771129880606_38826017863841

The post Sawirro: Laftagareen oo ka dagay Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this