Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Yurub oo shirkoodii u horeeyay ku yeeshay caasimadda Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-c0a8-0242-eb67-08dbc376f01d_w40

Madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub Josep Borell ayaa sheegay in ururkoodu uu weli ku adkaysanayo taageerada uu u hayo Ukraine, isagoo ku dhawaaqay deeq cusub oo dhan illaa $5.25 billion oo dollar oo ay u fidinayaan Kyiv sannadka 2024.

Borell ayaa deeqdan ku dhawaaqay intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine Dmystro Kuleba. Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Kyiv, si ay taageero ugu muujiyaan Ukraine.

Kulankii ka dhacay Kyiv Isniintii, madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid taariikhi ah, kaas oo ay xulafada reer Galbeedku ay hareer istaageen Ukraine xilli ay ku jiro xaalad adag.

Doorasho ka dhacday dalka Slovakia, oo xubin ka ah Midawga Yurub iyo Isbahaysiga NATO, waxaa ku guulaystay musharax taageersan Ruushka, halka golaha sharci-dejinta ee Maraykankuna ay miisaaniyadda si ku meel gaadh ah uga saareen, lacago loo qoondeeyey Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Midawga Yurub oo shirkoodii u horeeyay ku yeeshay caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this