Sign in to follow this  
General Duke

AU supports the Parliment decesion and promises troop deployment+ US general

Recommended Posts

Cali Maxamed Geedi oo dowladiisa loogu yaboohay Ciidamo Nabad Ilaalineed oo ka kala socda Wadamada Suudaan iyo Ugaandha

Posted to the Web May 13, 13:51

 

 

Adis-ababa:-Shirkii shalay ka furmay magaalada Adis ababa oo wadanka Soomaaliya oo uu uga qaybgalay Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhacay Wadanka Itoobiya Caasimada Adis-Ababa.

 

Shirkaas ayaa maalintii shalay lagu go'aamiyey in soomaaliya loo diro ciidamo ka qeyb qaata amaanka Wadanka Soomaaliya,ciidamadaas oo ka kala imaanaya Wadamada Ugaandha iyo Suudaan oo horay iyagu ubalan qaaday inay Ciidamo nabad ilaalineed ay ugu yaboohayaan Dowlada Federaaalka ee Soomaaliyeed.Ciidamadii lagu go'aamiyey maalintii shalay shirkaas, ayey si is le'eg ay u qaybsanayaan wadamada Ugaandha iyo Suudaan ,kuwaas oo ka koobnaan doona ilaa 1700 Askari.

 

Dhinaca kale gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konare oo maalintii shalay khudbad dheer ka jeediyey madashii shirka ayaa ka codsaday Qaramada midoobay inay wadanka Soomaaliya ka qaado cuna qabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd ilaa waqtigii ay bur burtay dowladii dhexe ee wadankaasi lahaan jirtay,iyo Qaramada midoobay inay taageero aan kala harlaheyn ay siiyaan dowlada feferaalka ee Soomaaliyeed si ay lugaheeda ugu istaagto.

 

Gudoomiyaha ururka mIdowgga Afrika ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay inaysan sahlaneyn in Ciidamo nabad ilaalineed loo diro wadanka Soomaaliya ayna ku baxayso labada wadan ee hada isu diyaarinaya inay dowlada kala qaybqaataan dhinaca Nabadgelyda ayuu sheegay inay ku baxayso lacag lagu qiyaasay ilaa $100 Milyan oo doolarka maraykanka ah.

 

Cali Maxamed Geedi oo goobtaas ka hadlay ayaa cadeeyey inay wadanka Soomaaliya ay nabadgelyo buuxda ku soo dabaalayaan ilaa 9ka bilood ee fooda nagu soo haysa.Waxuuna ka codsaday Wadamada Afrika iyo Qaramada midoobayba inay ugu yaboohaan Wadanka Soomaaliya taakulaynta xaga Amaanka iyo taageero dhaqaalle oo ay lagarab istaagaan Dowlada cusub ee u dhalatay wadanka Soomaaliya.

 

Cali Maxamed Geedi ayey maalintii shalay u aheyd guushiisii ugu waynayd ee uu aduunweynaha ka hello, Siiba wadamada Afrika, intuu hayey Jagada Raysal Wasaaraha Wadanka Soomaaliya.

 

 

Puntlandpost,Adis-ababa,Itoobiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

geedi_alphaOmarKonare.jpg

 

Adis-Ababa: Midowga Afrika oo Maanta go’aamiyay in Ciidamo Suudaan iyo Ugandha ku tagaan Soomaaliya

- Thursday, May 12, 2005 at 23:36

 

 

Sawirku waa Khamiis, May 12, 2005 iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi , bidix oo uu xarunta Midowga Afrika ee Adis Ababa ku taal uu kusoo dhaweeynayo gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konare, Midowga afrika waxay maanta khamiis go'aan ku gaareen inay ciidamo u diraan Soomaaliya, go'aankaas oo ka dambeeyay maalin ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaaleen oo ka socda Midowga Afrika iyo Carabta - diyaarinta AllPuntland, xarunta

 

 

Adis-Ababa (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo maanta shir ugu fumray Madaxda dalalka Afrika ayaa gabagabadii laga soo saaray qodobo dhowr ah oo dalalka Soomaaliya iyo Suudan ku wajahan .

 

 

 

Shirkaasi oo duhurnimadii maanta ka furmay Adis Ababa ayaa dalalkii isugu yimid waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah Prof. Cali Maxamed Geeddi oo halkaasi khudbad ka jeediyay isagoo sheegay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay isku raaceen ama u codeeyeen in dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka IGAD , wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha intaa ku daray in ciidamo ka socda dalalka Afrika haddii aan la helin aysan xukuumadiisa marna ka shaqeyn karin gudaha dalka.

 

 

 

Gabagabadii shirkaasi ayaa la isla gartay in mudo labo Todobaad Gudahood ciidamo ka socda dalalka Ugandha iyo Suudaan ku tagaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo wejiga hore sugaya amaanka xarumaha Dowladda, iyadoo labadaasi dal midkiiba ka imaanayaan ciidamo tiradooda gaareyso 850 Askari kadibna dalalka kale ee diyaarka u ah ka qeyb qaadashada xasilinta Soomaaliya wejiga labaad imaan doonaan.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maj. Gen. Samuel Helland: “Soomaaliya waxay u nugushahay in ay argagixisadu hoy ka dhigatoâ€

 

Jabbuuti - 13.May.2005 Generaal ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka gaar ahaan cutubyada ka hawl gala Bariga Afrika, haatanna ku sugan Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa sheegay in ay Soomaaliya suura gal tahay in ay joogaan kooxo, oo ka soo tallaabay dalalka Afghanistan iyo Pakistan, mar uu waraysi siinayey maanta wakaaladda wararka ee AP.

 

General Samuel Helland waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya noqotay goob u nugul in ay ku soo hirtaan argagixisado waayo buu yiri kama jirta dalkaas, dawlad hanan karta amaanka isla markaasna nidaamka guud gacanta ku dhigta.

 

“waa in ay dawladda dibad joogga ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigtaa amaanka iyo awoodda dalkaas, isla markaasna ay soo celisaa sharcigii iyo kala dambayntii†ayuu yiri Jananku mar uu u warramayey wakaaladda wararka ee AP.

 

Maj. Gen. Samuel Helland, waxaa uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay la shaqaynayeen dalalka deriska la ah si loo hagaajiyo amaanka xuduudaha berriga iyo badda ee Soomaaliya, isla markaasna cadaadis lagu saaro al-Qaacida ka soo qaxday Pakistan iyo Afghanisan in ay qaaxoogi ahaan ku soo galaan geeska Afrika.

 

Warka Jananka Maraykanka ah ayaa ku soo beegmay xilli uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu isna sheegay in ay kooxo al-Qaacida ahi ay dalka Soomaaliya joogaan gaar ahaanna ay si muuqata uga shaqaynayaan caasimadda Muqdisho.

 

Dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hor yimid, kooxo kala duwan oo qaarkood ay yihiin ururo Islaami ah iyo tobannaan ka tirsan dagaal oogayaasha Soomaalida, taas oo iyana xagal daacin karta in ay dawladda Soomaaliyeed ay hanato amaanka Soomaaliya.

 

Major General Helland waa nin da’ ah oo soo shaqaynayey ilaa iyo dagaalkii Vietnam, isla markaasna ka qalin jebiyey jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka, waxanu sidoo kale shahaadooyin ka qaatay taliska dhexe ee ciidammada badda ee Maraykanka

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

U.S. General Calls Somalia Terror Haven

Somalia Has Become a Safe Haven for Terrorists in East Africa, U.S. General Says

By By CHRIS TOMLINSON Associated Press Writer

 

ADDIS ABABA, Ethiopia May 13, 2005 — Somalia has become a safe haven for terrorists in East Africa and the government-in-exile must take power to restore law and order to the Horn of Africa nation, the commander of a U.S. counterterrorism task force said Friday.

 

U.S. Marine Maj. Gen. Samuel Helland, the commander of the Combined Joint Task Force-Horn of Africa, said American troops were working with Somalia's neighbors to improve their border security since U.S. pressure on the al-Qaida terror group in Pakistan and Afghanistan may force some members to seek refuge in East Africa.

 

"Somalia is a safe haven, it is ungoverned space," Helland told The Associated Press in an interview from his headquarters in Djibouti. "We, the international community, have to do something to take away that safe haven."

 

 

He said Somalia's government-in-exile, formed last year in Kenya after three years of peace talks, needs to assert itself inside Somalia and introduces law and order.

 

On Thursday, the African Union authorized deployment of 1,700 peacekeepers to Somalia to help secure the transitional government as it heads home. The Ugandan and Sudanese troops will be deployed in the towns of Baidoa and Jowhar, from where the government will operate temporarily because the Somali capital is unsafe, the AU's Said Djinnit said.

 

 

Somalia has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Warlords then turned on each other, plunging the Horn of Africa nation of 7 million into anarchy. Somalia's government has been based in neighboring Kenya since it was formed in 2004 because the capital, Mogadishu, is considered unsafe.

 

The government is opposed by Islamic extremists and some of the dozens of warlords in the country.

 

Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi told AP on Thursday that an al-Qaida terror cell was "very active" in Mogadishu, but that a Somali government was the best bet for dealing with the problem.

 

Helland spoke to AP as he prepared to end his one-year command of the task force.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this