Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada oo Caddaysay in Macalimiinta ku-meel Gaadhka ah ee Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada oo Caddaysay in Macalimiinta ku-meel Gaadhka ah ee Awdal aanay buuxin Shuruudihii lagu Shaqaaleysiin lahaa

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa maanta hor tagey guddida joogtada ee golaha guurtida JSL.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)’, waxa kulanka uu ku hortagey golaha ku wehelinayay masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaasi.

Wasiirka ayaa guddida faahfaahin ka siiyay xaalada guud ee waxbarasho ee dalka, waxaanu sheegay inay hadda fiican tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal horumarineed oo ay ku dardargelinayaan adeeg bixinta waxbarasho ee dalka.

Geesta kale waxa uu xusay in macalimiinta barnaamijka shaqo Qaran ay ka hawlgalaan degmooyinka dalka si dadka xoolaha dhaqatada loo gaadhsiiyo adeegyada waxbarasho, waxa uu intaas ku daray in macalimiinta ka soo baxda Kuuliyadda Tabbabarka Macalimiinta ay u kala diraan degmooyinka B-da ah, waxaanu intaas raaciyay in macalimiinta ay u sameeyeen Liisan ay ku hawlgalaan.

Wasiir Toorno ayaa tilmaamay in aanay macalimiinta gobollada Awdal iyo Sellel, ee ku meel gaadhksla ugu shaqaynayay wasaaradda aanay buuxin shuruudihii ay ka wasaarad ahaan ka doonayeen si loogu ogolaado imtixaanka qiimeynta ee hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this