Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ciyaaraha oo Tababar la Xidhiidha kobcinta Dadka Nugul ku soo xidhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ciyaaraha oo Tababar la Xidhiidha kobcinta Dadka Nugul ku soo xidhay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdiraxiin Xirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta tababar u soo xidhay dhallinyaro laba cisho ahaa oo lagu tababarayey sidii loo kobcin lahaa ka qeyb qaadashada iyo ilaalinta bulshada baahiyaadka gaarka qaba.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Maxalliga ah ee Somaliland Y-PEER oo kaashanaysa wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha JSL Iyo Hay’adda Qaramada midoobay ee UNFPA.waxaana uu ku saabsanaa Tababarkani sidii loo kobcin lahaa ka qeyb qaadashada iyo ilaalinta bulshada baahiyadka gaarka qaba.

Tababarkan ayaa waxaa dhammaan kasoo qeybgalay ururadda dhallinyaradda u adeega.

Wasiirka Ciyaaraha ayaa dhalinyaradaas ugu baaqay inay aqoontii ay kasbadeen ku dabaqaan shaqo maalmeedkooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this