Deeq A. Posted October 3, 2023 Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magalaada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle. Kulaankaan ayaa waxaa looga hadlay qaban-qabada shirka Madasha isku-duwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya Mmaalmaha soo socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulankaan. Sidoo kale kulankaan ayaa diirada lagu saaray xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan, taasi oo wadata roob xoogan sababi kartana fatahaado iyo daadad, islamarkaana ay dhawaan digniin kasoo saartay hay’adda SODMA. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS. Dhawaan ayay aheyd markii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay digniin kasoo saartay roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay. “Roobabka loo saadaaliyay gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyi-Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbadda Dhexe waxa ay gaysan karaan khatar cabirkeedu sareeyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA gaar ahaan xarunta ka digista halis wareedka. Xarunta ayaa uga digtay bulshada inay ka fogaadaan meelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah. Roobabkan laga digay halista ka dhalan karta ayaa la sadaalinayaa in gobolladaasi ka da’aan asbuuca ugu horreeya bisha October 2023. Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada. The post Sawirro: Ujeedka kulan ka dhacay madaxtooyada K/G appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites