Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaal beeleedka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696293064490.jpg?resize=720%2C40

Waxa sii xoogaysanaya dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo colaad beeleedda ka tagaan duleedka degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug oo ay weheliyaan odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa dadaal xooggan gelinaya baajinta dagaal danbe oo ka dhaca degaankaas.

Dhinacyada ayaa ka shaqaynaya dhaqan-gelinta xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo lagu baajiyo sii socoshada dagaalka labada beelood si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug loo diray dhulkii lagu dagaallamay ee nawaaxiga degmada Galdogob si ay u kala dhex galaan beelihii diriray.

Guddiyo wadajir ah oo ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay sii wadaa waan-waanta beelihii dagaallamay si loo dhammaystiro nabadaynta.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal beeleedka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this