Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Isbaheysigii Murusade, Xawaadle iyo Cayr oo fashil ku dhow iyo hal beel oo furinta ku hartay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4677-scaled.jpeg?fit=2560%2C1920&ssl

Maxaas (Caasimada Online) – Shalay waxaa deegaanka Waradhuumale ee gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Maxaas looga dhawaaqay is baheysi loogu magac daray Kulmis oo seddax beelood ay sameysteen.

Beelaha kala ah Murusade, Cayr iyo Xawaadle ayaa halkaas uga dhawaaqay isbaheysi ay dagaalka Al-Shabaab isaga kaashanayaan, waxayna qorsheysteen inay xorey doonaan ilaa Galhareeri, balse maxaa dhacay?

Sida ay ogaatay Caasimada Online furintii hadda waxaa ku sugan kaliya ciidamadii iyo masuuliyiintii ka socday beesha Cayr, waxaana dib uga laabtay furintaas masuuliyiintii iyo ciidamadii ka kala socday Xawaadle iyo Murusade.

Isbaheysigii looga dhawaaqay Waradhuumaleh ayaa maalinkii koowaad lagu kala tegay talo la’aan, sida ay ogaatay Caasimada Online, masuuliyiin ay hoggaaminayaan Cali Jeyte iyo Xildhibaan Jacfar ayaa ku laabtay Maxaas, iyagoo raggii ay ka tageen u sheegay inay u soo dirayaan ciidan 100 askari ah.

Dhankooda masuuliyiintii Murusade ee Guriceel ka baxay ayaa dib ugu laabtay Guriceel galabtii isbaheysiga lagu dhawaaqay habeenkeedii, iyagoo aan sheegin sababta ay dib ugu laabanayaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DF Xasan Macalin ayaa hoggaaminayey masuuliyiinta Murusade oo qiyaastii 10 qof iyo ciidan badan ku tegay furinta, sidii ayeyna ugu laabteen Guriceel, iyagoo aan furinta ku hoyan hal habeen.

Masuuliyiintii beesha Cayr iyo ciidankiida oo markii horaba la isugu tegay deegaankooda Waradhuumaleh ayaa weli ku sugan furinta, iyagoo la yaaban sababta ay Murusade iyo Xawaadle uga dhabey la’yihiin balantii la galay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal ah.

Masuuliyiintii iyo ciidamadii Murusade oo dhan ayaa isugu tegay Guriceel, Dhuusamareeb iyo Maxaas, waxaana lagu wareersan yahay sababta aysan dagaalka u soo geleyn, sida ay xogtaan ku soo gaartay Caasimada Online.

In la dhiso isbaheysigaan waxaa lagu go’aamiyey shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh Dhuusamareeb kula yeeshay siyaasiyiinta seddaxdaas beelood oo lagu daray Duduble oo aan imaan halkii looga dhawaaqay isbaheysigaan cusub oo ah deegaanka Waradhuumale.

The post Xog: Isbaheysigii Murusade, Xawaadle iyo Cayr oo fashil ku dhow iyo hal beel oo furinta ku hartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this