Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aanno ka soo saartay dagaal beeleedka ka dhacay Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Garoowe: 02 Oct 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland  Mudane Ahmed E. Osman Karaash  oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga  tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan  gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hogaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada.

Talaabooyinka dowladdu qaaday.

1- Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda ka saaraan illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada waxay khadka Taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo  sidii loo xakamayn lahaa colaadaas, in labada dowladood diraan guddiyo taga deegaanadaas iyo soo celinta  xasiloonidii deegaanka.

2- Dowladdu waxay magacowday guddi Wasiiro ah oo kala ah.

-Wasiirka Gargaarka
-Wasiirka Cadaalada
-Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka
-Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada.

si ay udub dhexaad ugu noqdaan  hirgelinta nabada iyo sidii looga dheeraan lahaa dhib kale oo halkaasi ka dhaca.

3- Ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug oo la kala dhex dhigay Beelihii Dirirtu dhexmartay.

Ugu damabayn Madaxweynaha ayaa faray Ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kale ee Amniga inay xoojiyaan hawl-galada lagu xaqiijinayo Amniga deegaanka, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda Wanaagsan ee ay qaateen.

                   DHAMMAAD

The post Puntland oo go’aanno ka soo saartay dagaal beeleedka ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this