Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo isbeddalkii ugu horeeyay ku sameysay maamulka degmo ka tirsan GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   
Gedo.png?fit=1455%2C1419&ssl=1

Luuq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee degmada Luuq ee ay soo magacowday Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kuwaas oo uu wareegto kusoo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan.

Sayid Aadan ayaa shalay xilalkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye iyo guddoomiye ku xigeenkii koowad ee degmadaasi Jeelle Xuseen Cabdi, wuxuuna u magacaabay mas’uuliyiin cusub, sida lagu shaaciyay wareegtada haatan soo baxday.

Daahir Muxumed Nuur (Caato) ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee  Luuq, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad isna loo magacaabay Jabarti Isaaq Aadan.

Munaasabad ka dhacday degmada Luuq, ayna ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa xilalka kula wareegay maamulka cusub ee lasoo magacaabay, inkastoo guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye uu ka maqnaa munaasabadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedalka maamul ee dhacay iyo magacaabista maamulka cusub ee degmada Luuq.

“Qof la beddalo maanta ma bilaabaneyso horay ayay u jirtay waa la beddalay maamulkii degmada, waxaana lagu beddalay maamulkaan cusub” ayuu yiri Macallimuu.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay xubnaha cusub inay ka shaqeyaan horumarka deegaanka iyo wax ka qabashada ammaanka guud.

“Waxaan rabnaa in bulshada si wanaagsan loo maamulo, waana filayaa in si wanaagsan loo maamuli doono, annaga magaaladaan waxaan u rabnnaa nabad-gelyo” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha cusub Daahir Caato oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda ka sarreysa ee gobolka iyo Jubbaland.

“Waxaan kula shaqeyn doonaa madaxda iga sarreysa awooddeyda iyo kartideyda inta uu ilaahey i siiyay” ayuu isna yiri guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay.

Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa.

The post Jubbaland oo isbeddalkii ugu horeeyay ku sameysay maamulka degmo ka tirsan GEDO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this