Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal-beeleed-k.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Goldogob ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Maleeshiyo beeleedka oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla.

Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba Dalsan, wuxuuna ku yaalla meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana maamul ahaan laga xukumaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu soo waramay in ugu yaraan 5 qof ay galaafatay dirirtaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamo ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku baxeen colaadda, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed.

Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka.

The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Galdogob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this