Cowke Posted February 28, 2010 Muuse Cali Jaamac: Dowlada Puntland Waa inay La Timaado Siyaasad Tolmoon, Waana in La Furo Xisbiyada Bisha June 2010 (Dhageyso) Boosaaso, (RBC Radio) Siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka tirsan xisbiga Isbedeldoonka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo in marka La gaaro bisha June 2010 Puntland laga hirgaliyo nidaamka asxaabta badan taasi oo horsed u noqon doonta in dadku ay sameystaan xisbiyo mucaarad ah. Muuse Cali Jaamac ayaa wareysi uu siiyey RBC Radio waxaa uu kaga hadlay isbedelkii ka dhacay Puntland sanad ka hor iyo xaalada hadda ka jirta degaanada Puntland. Wuxuu sheegay in dowlada hadda ka jirta Puntland ay qabatay arimo badan laakiin ay ku guul dareysatey inay dhaqaalaha fariisiso, wuxuuna Muuse Cali Jaamac sheegay in dowladu ay kordhisay canshuuraha taasi oo wax u dhintay badeecadaha la soo waarido. Muuse Cali Jaamac waxaa uu sheegay in doorashadii bishii January 2009 ka dhacday Puntland ay ahayd mid ku timid baahi dadku u qabeen isbedel ka dhaca Puntland, isagoo xusay in ururkiisu uu ka mid ahaa dhinacyadii isku hawlay in arintaasi ay mira dhasho. Wuxuuna u hambalyeeyey rag horey uga tirsanaa ururka Isbedeldoonka oo hadda wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ka noqday maamulka. Muuse Cali Jaamac waxaa uu ku celceliyey in hirgalinta nidaamka axsaabta badan iyo qaadista afti dadweyne ay yihiin arimo muhim ah oo aan marnaba laga boodi karin si loo gaaro doorasho qof kasta ka qeybgali karo. Wuxuuna sheegay in uu jiro ballan ku saabsan hirgalinta xisbiyada oo ay dowladu horey u qaaday. Mar RBC Radio weydiiyey Muuse Cali Jaamac bal inuu isbarbardhigo maamuladii isxigay ee soo maray Puntland ayuu sheegay in dowlada hadda ka jirta Puntland ay ku soo beegantay xilli ay marxalado dhaqaale oo aad u adag ka jiraan caalamka balse waxaa uu dhinaca kale ku dhaliilay dowlada Puntland inaysan la imaan siyaasad wax looga qaban karo dhibaatada dhaqaale. Xubnaha ku jira golaha xukuumada ee Puntland oo badankood ka soo jeeda qurbe joogta kuwaasi oo aan ka warqabin xaalada dalka ka jirta ayuu Muuse Cali Jaamac u aaneeyey in aan la helin xal ku haboon oo wax looga qabto dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka kale. Isagoo ka hadlayey xiriirka Puntland iyo Somaliland ayuu ku micneeyey inuu yahay xiriir aan isdiideyn oo u dhexeeya labo shacab oo walaalo ah isla markaana wadaaga diinta, dhaqanka iyo afka, wuxuuna ugu baaqay in shacabka labada dhinac aysan kala raacin danaha ay kala wataan shakhsiyaadka siyaasiyiinta ah, kuwaasi oo had iyo goor danahooda gaarka ah ka fiirsada mida guud. Muuse Cali Jaamac waxaa uu dhaliilay xiriirka mugdiga ku jiro ee ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland, isagoo sheegay in masuuliyiinta Puntland ay lumiyeen fursad wanaagsan oo ay heleen taasi oo ahayd in degaanada maamulka Puntland ay xarumo saldhig ah u noqdaan hawlaha dowlada dhexe iyadoo laga faa’ideysanayo amniga ka jira Puntland. Wareysiga Muuse Cali Jaamac waxaa uu ku cambaareeyey falalka ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda ee soo afduuba maraakiibta ku goosheysa xeebaha ka baxsan Soomaaliya waxaa uu niyad wanaag ka muujiyey in wax laga qaban karo haddii maamulka iyo shacabku ay daacad ka yihiin in la joojiyo burcad badeednimada. RBC Radio Listen here RBC RADIO Quote Share this post Link to post Share on other sites