Deeq A. Posted October 2, 2023 Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/ sare Dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka Biyacadde ee gobalka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wafdiga taliyaha, waxaana ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay dardar galinta howlgalka Al-shabaab looga saarayo dalka ee ka socda gobolka. Degaanno katirsan Shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,halkaa oo sheegay in xubno ka tirsan kooxda lagu dilay, gaar ahaan deegaanno hoos taga magaalada Mahadaay ee Jiinka Wabiga Shabeelle. Safarka taliya ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kormeerrada taliska ciidanka xoogga dalka ay ku sameynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka, taas oo loogu kuurgalo xaalada ciidanka iyo howlgallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites