Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu casuumay Muqdisho – Yaa u yeeray?

Recommended Posts

Deeq A.   
Firdhiye-2.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida laga soo xigtay xubno ku dhow, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamza.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka, gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamarkaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa horraantii bishii September looga dhowaaqay magaalada Laascaanood kadib markii ciidamada deegaanka ay dagaallo halkaas ka dhacay uga guuleysteen ciidamada Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maamul doonaya inuu ka mid noqdo maamullada fedraalka Soomaaliya, hase yeeshee Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba wali sheegta in deegaanada maamulka ay ayaga hoos tagaan.

Ma cadda haddii Firdhiye uu madaxda dowladda federaalka kala hadli doono arrimaha federaalka iyo in kale.

The post Xog: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu casuumay Muqdisho – Yaa u yeeray? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this