Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Barre oo ku hanjabay inay ugaarsi ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Aadan-Barre-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay inay ugaarsi ka dhan ah dadka dhaqaalaha ku taageera kooxda Al-Shabaab ay ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya. 

Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya. 

“Waanu ugaarsan doonnaa argagixisada xataa Soomaaliya gudaheeda. Waxaan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga,” ayuu yiri Aadan Ducaale.

Ducaale ayaa ku adkeystay in kooxaha amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaameedsanayaan maalgeliyayaashooda. 

Wuxuu sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu ballan qaaday in Dowladda Kenya ay ka taageeridoonaan la dagaalanka argagaxisada dalka iyo gobolka xilli uu dhawaan socdaal ku tagay dalkaas.

“Waxa uu halkan joogay laba maalmood. Waxaan wadaagnaa sirdoonka, waxaan ka wada shaqaynaa dalka, gobolka iyo Geeska Afrika si aan si go’aan ah uga hortagno kaabayaasha argagixisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale.

Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaanahan kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada ku teedsan xuduudda Soomaaliya.

The post Aadan Barre oo ku hanjabay inay ugaarsi ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this