Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Jabuuti
IMG-20231001-WA0016.jpg
Jabuuti(Qaran news)- Safiirka Somàliland u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jabuuti.

Furitaanka kalfadhiyada ayaa lagu soo casuumaa diblomaasiyiinta caslamka ee fadhigoodu yahay Jabuuti.

Danjire Cabdifataax ayaa muddadii uu ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya jabuuti ka shaqeeyay inuu xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Cabdifataax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta baarlamaanka Jabuuti, wuxuuna ahaa diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee lagu martiqaaday kulankaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this