Deeq A. Posted October 1, 2023 Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmada Doolow ee gobolkaasi lagu fashiliyay qarax culus oo ay soo diyaarisay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ammaanka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey qaraxaas, ayaga oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha qarxa. Inkasta oo weli la xaqiijin bartilmaameedka gaariga qaraxa ee la fashiliyay qorshihiisa, balse laamaha ammaanka ayaa laga soo xiganaya in kooxda u socotay inay ku gumaaddo shacabka degmadaasi. Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi oo si kooban uga hadlay arrintaan ayaa wuxuu uga mahad-celiyey ciidanka amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta shirqoolada kooxda oo ku soo aruurtay qarax uun, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah. Qaraxa la fashiliyay ayaa imanaya xilli maleeshiyada Al-Shabaab ay maalmihii u dambeeyay culeys soo saareen gobolka Gedo, ayada oo bar-kontorool ka sameystay waddada xiririisa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo. Si kastaba, Kooxda oo wajaheysa guluf culus oo isku garabsanayaan ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan, ayaa sida muuqata xilligaan culeyska saareysa goobaha aysan markii hore ku xooganeyn, xilli laga xoreeyay deegaano badan. The post Sawirro: Gaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites