Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka warbixiyay guulaha Maaliyadeed ee dowladdu gaartay

Recommended Posts

Deeq A.   
BIIXI-860x574-1.jpg?resize=860%2C574&ssl

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay guulaha maaliyadeed ee dowladdu gaartay.

Biixi Imaan  ayaa sheegay in ay ku guulayteen in dakhliga dowladda uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixiso mushaaraadka, iyadoo aan u baahan kab miisaaniyadeed.

“Labadii bilood ee hadda la soo dhaafay ugama nay baahan kab dibadda ah in aynu mushaaraadka bixino, dakhliga gudaha ayaa daboolay in aynu ku filnaano mushaaraadkeenna, runtiina 25% waa wax weyn, intaana kuma ekee waxaan rabnaa in kor loo qaado,” ayuu yiri wasiir Biixi.

Wasiirka ayaa sheegay in markasta kab miisaaniyadeed uga baahan jireen dibadda, si loo bixiyo mushaaraadka, taas oo hadda looga maarmay in labadii bilood ee la soo dhaafay dowladdu ay ku guuleysatay in ay mushaarkeeda bixiso, iyadoo aan u baahan kab dibadda ah.

Sidoo kale, wasiir Biixi Iimaan ayaa ugu baaqay shacabka in ay canshuurta bixiyaan lana xisaabtamaan dowladda, si loo helo daah-furnaan maaliyadeed iyo in in la dardar geliyo dib-u-dhiska dalka.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka warbixiyay guulaha Maaliyadeed ee dowladdu gaartay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this