Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo maanta shir yeeshay iyo arrimaha lagaga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Shirka oo uu guddoomiyanayay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac waxaa lagu lafo guray xaaladda guud ee Somaliland.

Musharraxa madaxweynaha Xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xubnaha Guddida Fulinta, xoghayeyaasha, Xildhibaannada iyo masuuliyiinta shirka ka qayb galay warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, wadajirka bulshada iyo doorashooyinka, waxaanu madaxda xisbiga ku wargeliyey in si buuxda loola jaan qaado jidka doorasho ee dalku qaaday.

Masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaannada xisbiga ee baarlamaanka qaarkood ayaa kulanka ka soo jeediyay warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan qorshaha xisbigu ku wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo midnimada bulshada reer Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this