Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku salaysan yahay saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa muran ka taagnaa dhanka saami-qaybsiga beelaha iyo gobollada Somaliland. Si gaar ah labaatankii sano ee u danbeeyey, gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa si gaar ah arrintaa wax uga tirsanayey.
Waxaana u danbeeyey in Golaha Wakiillada Somaliland ay maanta qaraar gole ku ansixiyeen qodobbadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay.
Go’aammadaas ayaa ay ka mid ahaayeen in Komishanka Doorashooyinku uu dib u eegis ku sameeyo goobaha cod bixinta ee Gobalka Awdal iyo sida oo kale in Madaxweyne Muusa Biixi dib u eego saamiga fulinta ee reer Awdal.
Sidoo kale golaha ayaa ansixiyay in xukuumadda Somaliland ay si caddaalad ah u qeybiso mashaariic-da, iyada oo tix galin gaar ah la siinayo gobolka Awdal gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidee loo qaybsadaa golaha wakiillada ee Somaliland?
Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa lagu soo doortay doorashadii isasaarka ahayd ee dhacday ee sannadkii 2021.
Waxaana ay gobol ahaan u kala metelaan tirada sidan ah:
Gobolka Maroodijeex 20 kursi
Gobolka Togdheer 15 kursi
Gobolka Awdal 13 kursi
Gobolka Sanaag 12
Gobolka Sool 12 kursi
Gobolka Saaxil 10 kursi
Si guud tirada xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ku fadhida sidii loo kala helay baarlamaankii ugu horreeyey 1960-kii, kuwaas oo ka soo kala yimi lixdii degmo ee Waqooyiga. Baarlamaankaas oo tiradiisu ahayd 33 ayaa laga soo dhiraandhiriyey sida oo kalena lagu saleeyey habka wax qaybsi ee golahaas hadda ku dhisan yahay.
Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa se sharci ahaan ah gole metelaadeed ayna dastuur ahaan ahayd sida ay sharciyaqaannadu in xubnaha golahaas iyo saamigooduba ku yimaaddo tirokoob guud oo la sameeyey.
“Golaha wakiillada waxa ay ahayd dastuuriyan in uu ku salaysnaado tirkoob dadka lagu sameeyey, ka kale guurtida ayaa si kale loo qaybsan karaa ama loo sinnaan karaa” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo ka mid ah sahrciyaqaannada Somaliland.
Dhanka kale Guuleed Dafac ayaa qaba in taa hore lixdankii ay hadda wax isbeddeleen, sida kalena tuhummo reereed oo qabyaaladina aaanay ka madhnayn ay meesha ku jirto. “Dadkiina isbeddel oo sidii hore maaha, taa laftigeeduna tirakoob kuma salaysnayn ee Ingiriiska qiyaastiisa ayuun bay iskaga salaysnayd, intii ka danbaysana tirakoob ma dhicin, markaa dadkii way is wada tuhun san yihiin, qabyaaladdiina kama madhna. Markaa halkaas ayuu ka taagan yahay tuhummada xildhibaannada qaar qabaan.”
Goormaa ayuu soo bilaabmay khilaafka iyo doodadaha saamiqaybsiga ee Somaliland?
Khilaafka ku aaddan dhanka Saami-qaybsiga ayaa badanaa dooddooda la maqlaa xilliyada doorashada, inkasta oo gobollada darafyada Somaliland ay yihiin badanka cidda cabashadaas ka timaaddo.
Sanadii 2005 markii u horraysay ee doorashadii Wakiillada ayaa khilaafkani aad u xoogaysatay xilligaas oo madaxweynihii wahtigaas Daahir Rayaale Kaahin, maxakamadda sare ka codasaday in ay u soo saraaan xeer sheegaya in doorashadan sideeda lagu galo, oo wixii ka danbeeya hawlahaas la xalliyo, sidaana lagu galay.
Kaddib dib u dhacyo badan oo ku yimi doorashadii Golaha Wakiillada, mar kale, sannadkii 2020 iyo horraantii 2021 ayay soo cusboonaatay markii la muddeeyey doorashadii Golaha Wakiillada.
Murankan siyaasadeed ee taagnaa wakhtigaas ayaa u kala baxayey laba qaybood oo kala ah habka dhismaha guddida doorashooyinka iyo xaddidaadda degaan doorashooyinka iyo saami qaybsiga kuraasta baarlamanka ee gobollada Somaliland.
Sidii si la mid ah ayaa ayaa markii danbena lagu galay doorashadii, xilli muhiimadda la siinayey keliya in doorashadaa dib u dhacday qabsoonto, wixii tan ka danabeeyana la xalliyo hawlahaas.
Taas oo ka dhigan in tabashadaasi weli taagan tahay.
Muxuu ka tari karaa qaraarka la anxsixiyey maanta tabashooyinkaas ay soo jeediyeen xildhibaannada reer Awdal?
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qaba in qaraarkani aasaas sharci siin doono xildhibaannada iyo degaammada wax tabanaya, kaas oo mustaqbalka horseedi doona in la furo dastuurka Somaliland oo ah halka ay aamminsan yihiin in ay u xanniban yihiin tabashooyinka gobolladaas.
Dastuurka Somaliland ayaa ansixintiisa kaddib ay afti u qaadeen shacabka Somaliland sannadkii 2001-dii iyada oo boqolkiba 97 ay u codeeyeen.
Waxaa se jirta tabashooyin badan oo ku aaddan, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyey aasaas u ahaa khilaafyo soo noqnoqday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this