Sign in to follow this  
Deeq A.

Askariyada Shaqada looga Joojiyay Galmo ay la Sameysay Maxbuus

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabar ka tirsan askarta Isra’il ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir gogol dhaaf (galmo) la sameysay maxbuus falastiini ah.

Askariyadan shaqada laga joojiyay ayaa sheegtay in afar haween ah oo kale oo askar ah ay sidoo kale xiriir galmo la sameeyeen isla maxbuuskan.

Warbaahinta Isra’il ayaa sheegtay in askariyaddu qiratay in ay xiriir galmo la sameysay maxbuuskan oo Falastiini ah, kadib markii lagu soo qabtay fal ay dad ku dhinteen oo uu geystay.

Magaca askariyadda iyo maxbuuska ku xukuman xabsi daa’inka ayaan la shaacin.

Maxkamad qaadeysay kiiskan ayaa amar ku bixisay in faah-faahin la xariirta arrrintaan iyo wixii lamid ah aan banaanka loo bixin Karin.

Haweeneyda ayaa la sheegay inay hora uga soo tirsanayd milatariga Isra’il, taas oo ay inta badan soo maraan Israa’iliyiitu. Haweenka ayay qasab tahay inay ciidanka la shaqeeyaan 24 bilood, halka raggana laga doonayo 32 bilood.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this