Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Ankara iyo Wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Anakar.jpg?fit=900%2C599&ssl=1

Ankara (Caasimada Online) – Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara, kaas oo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka, ayuu yiri Cali Yerlikaya.

Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana “la fashiliyey.

Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka.

Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran aagga.

“Halgankeennu waa uu sii socon doonaa ilaa argagixisada ugu dambeysa laga saarayo,” ayuu Cali Yerlikaya ku soo qoray baraha bulshada.

Xigasho: BBC

The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Ankara iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this