Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh kooban Marxuum Bashiir Axmed Xaddi

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikh kooban Marxuum Bashiir Axmed Xaddi
IMG-20230930-WA0007.jpg

Bashiir Xaddi Axmed wuxuu ahaa fannaan, mullaxan ka mid ahaa tiirarkii ugu waynaa ee casriyeey fanka Soomaalida. Bashiir waxa uu ku dhasahay magaalada Hargeysa, 1950kii.

Dugsugiisii hoose waxa uu ku bartey Tog Wajaale, waxana uu ka mid ahaa ardeydii uu iskuulka qorey Maxamuud Axmed Cali, markii danbena Boorame ayuu ka sii watay waxbarashadiisii dhexe, halkaas oo uu uga gudbay iskuulkii NTEC – National Teacher Education Centre (ee markii danbe noqdey Lafoole).

Isaga oo dhallinyar oo wali ku jira iskuulka ayuu bilaabay tumista kamanka, haseyeeshee macallimiintii u horreysey ee fanka ee uu la shaqeeyey waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xudeydi. Wuxuu noqdey hormoodka laxanka. Riwaayaddii Hadimo, Gaaraabidhaan, Jeel iyo Jacayl iyo kuwa kale oo badan heesohooda isaga ayaa codka saaray.

Wuxuu ahaa dadkii casriyeeyey Fanka Cusub. Bashiir Xaddi Axmed waxa uu ka mid ahaa bahda Musdanbeed ee abwaannada iyo fannaaniinta Somaliland.

Alle ha u naxariistee maanta, 30 Seebtember 2023 ayuu ku geeriyooday magaalada Boorame oo uu muddadii danbe ku noolaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this