Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax Cirro oo ka Hadlay Qoddobo ay kala Hadleen Wufuud ay la Kulmeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashax Cirro oo ka Hadlay Qoddobo ay kala Hadleen Wufuud ay la Kulmeen
IMG-20230930-WA0009.jpg

IMG-20230930-WA0008.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Wefti ka socday Qaramada midoobay iyo Ingiriiska oo ay maanta la kulmeen.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu baahiyay Murrashax Cirro oo u qornaa sudan:-

“Xisbi ahaan, waxa aan kulan wada qaaddannay wafti sare oo ka socday Qaramada midoobay iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminayeen Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Ms. Catriona Laing iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis.

Weftiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Safaaradda Ingiriiska waxa aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha nabadgelyada ee Gobolka Sool, hannaanka doorashooyinka isku sidkan iyo dimuqraadiyadda, iyo ugu dambeyn arrimaha horumarinta Somaliland.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this