Deeq A. Posted September 30, 2023 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo saartay xukun lagu afmeerayo dacwad ciqaab ah oo lid ku ahaa shaqaalo dowladeed oo kala duwan oo ku eedaysnaa xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuur dokumentiyo iyo shaabbad dowladeed. Eedaysanayaasha ayaa ka kala tirsanaa hay’ado ay ka mid yihiin: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Bangiga Dhexe. Eedaysanayaasha oo ahaa 11 qof ayay maxkamaddu waxay dambi ku waysay shan ka mid ah, halka ay ku heshay 6 kale dambiyo kala duwan. Laba ka mid ah lixda eedaysane ayaa lagu helay dambiyada xatooyada xoolo dadweyne iyo been abuur, waxaana lagu xukumay xabsi kala duwan oo ah 8 sano iyo 9 sano. Labada eedaysane ayaa u kala shaqaynayay Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Canshuuraha Beriga ah iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada qaybta rukhsadsiinta shaqaalaha shisheeye. Afarta eedaysane ee soo hartay kuwaas oo ka kala tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu riday xukunno ciqaabeed oo kala duwan. Xukunnada ciqaabeed ayaa u dhaxeeya 8 billood illaa 3 & lix billood. Waxaa xusid mudan in shaqaalaha la xukumay lagu waayay dambiyada xatooyo xoolo dadweyne, been abuur iyo lacag dhaqid. Dambiyada lagu helay ayaa ah kuwa aanan ku jirin eeddii uu soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud balse intii ay dacwaddu socotay Maxkamaddu ku qanacday inay galeen dambiyadaasi. Ugu dambayn, Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in racfaan u furan yahay ciddii aan ku qancin muddo aan ka badnayn 30 maalin. Goobjoog News Cabdi Gurbiye Cabdi Gurbiye Cabdi Gurbiye Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites