Sign in to follow this  
Deeq A.

Koobniinka Xukunnadii Maxkamadda Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo saartay xukun lagu afmeerayo dacwad ciqaab ah oo lid ku ahaa shaqaalo dowladeed oo kala duwan oo ku eedaysnaa xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuur dokumentiyo iyo shaabbad dowladeed.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala tirsanaa hay’ado ay ka mid yihiin: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Bangiga Dhexe.

Eedaysanayaasha oo ahaa 11 qof ayay maxkamaddu waxay dambi ku waysay shan ka mid ah, halka ay ku heshay 6 kale dambiyo kala duwan. Laba ka mid ah lixda eedaysane ayaa lagu helay dambiyada xatooyada xoolo dadweyne iyo been abuur, waxaana   lagu xukumay xabsi kala duwan oo ah 8 sano iyo 9 sano. Labada eedaysane ayaa u kala shaqaynayay Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Canshuuraha Beriga ah iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada qaybta rukhsadsiinta shaqaalaha shisheeye.

Afarta eedaysane ee soo hartay   kuwaas oo ka kala  tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu riday xukunno ciqaabeed oo kala duwan. Xukunnada ciqaabeed ayaa u dhaxeeya 8 billood illaa 3 & lix billood.

Waxaa xusid mudan in shaqaalaha la xukumay lagu waayay dambiyada xatooyo xoolo dadweyne, been abuur iyo lacag dhaqid. Dambiyada lagu helay ayaa ah kuwa aanan ku jirin eeddii uu soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud balse intii ay dacwaddu socotay Maxkamaddu ku qanacday inay galeen dambiyadaasi.

Ugu dambayn, Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in racfaan u furan yahay ciddii aan ku qancin muddo aan ka badnayn 30 maalin.

Goobjoog News

384356530_263954029945076_90690652896980
abdi-gurbiye-150x150.jpg

Cabdi Gurbiye

abdi-gurbiye-150x150.jpg

Cabdi Gurbiye

Cabdi Gurbiye

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this