Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo galabta ka dhacay Maxaas iyo khasaare dhimasho ah oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpeg?fit=768%2C1024&ssl=1

Maxaas (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo galabta Maqribkii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaaka dhashay khasaare dhimasho ah.

Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo kuwada sugan degmada Maxaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa labada ciidan ee dagaalamay uga kala geeriyootay dagaalka, waxaana socota waan-waan lagu xalinayo gacan ka hadalkii galabta ka dhacay Maxaas.

In kastoo ay socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisadaan, hadana waxaa waxaa caawa Maxaas ka taagan xiisad culus oo difaac ayey isugu jiraan ciidamadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii askari ka tirsan guutada Khaalid Binu Waliid ee xoogga dlaka uu maanta gudaha degmada Maxaas ku dilay nin ka tirsanaa ciidanka dib u xoreynta deegaanka.

Ciidanka deegaanka oo ka carooday askariga la dilay ayaa weerar ku qaaday ciidamada guutada Khaalid Binu Waliid oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Is rasaaseyntaas waxaa la xaqiijiyey in hal askari looga dilay guutada uu hoggaamiyo Ismaaciil Cabdimaalik, waxayna ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalkaas dib ugu gurteen xerada ay ka degan yihiin degmada Maxaas.

Goobjoogayaal ku sugan Maxaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka deegaanka ay wadaan is uruursi xoog leh, iyagoo muujinaya dhiilo colaadeed, balse masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha ciidanka guutada Khaalid Binu Waliid ayaa wada dadaalo lagu dejinayo xiisadda.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, dhimashada ayaa hadda ah hal iyo hal, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay is fara saaraan labada ciidan, balse waxaa socda dadaalo xoog leh oo xal loogu raadinayo xiisadaan.

The post Dagaal culus oo galabta ka dhacay Maxaas iyo khasaare dhimasho ah oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this