Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Siyaasiyiinta K/G oo shaaciyey hal arrin oo Xasan Sheekh uu ka codsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
382950882_737959988375143_63869583162911

Muqdisho (Caasimada Online) –Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco deegaanada maamulkaas, isla markaana doorasho la aado bilaha soo socda ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb, waxayna caawa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, hadana u sharaxan madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo garbihiisa ay taagnaayeen siyaasiyiintii u raacday Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Wasiir Fargeeti oo faahfaahin oa bixiyey waxyaabihii ay kala soo hadleen Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu horeyn ay Xasan Sheekh kaga soo tacsiyeeyeen geesiyaashii ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee hoggaamintiisa uu u joogo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale wasiir hore Fargeeti ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u soo cadeeyeen inay ku garab taagan yihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay K/Galbeed ka bilaabi doonaan abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka oo ka bilaaba doona Jubbaland iyo K/Galbeed.

“Madaxweynuhu wuxuu warbixin naga siiyey dagaalka Khawaarijta, wuxuu noo sheegay inuu gabagabo ku dhowyahay wajiga koowaad, waan ku bogaadinay dadaalkiisa, waxaana ka balan qaadnay in doorkeena uu ka soo muuqa doono wajiga labaad oo ku aadan K/Galbeed iyo Jubbaland,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti.

Intaas kadib, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen arrinta doorashada, iyagoo ka dalbaday in isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay qaataan doorka kaga aadan fulinta heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen ee Baydhaba looga gaaray muranka doorashada.

“Waxaan Madaxweynaha dib u xusuusinay heshiiskii laga gaaray doorashada K/Galbeed, inagoo warbixin ka siinay fashilka maamul ee ka jira K/Galbeed, waxaan madaxweynaha la wadaagnay qorshaha safarkeena Baydhaba oo qaban-qaabo dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta aan ka bilaabi doono iyo doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri.

Warbixintaas kadib wasiir hore Fargeeti wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasiyiintaan isla socotay ka codsaday inay siiyaan waqti oo mar kale ay wadatashi ugu soo laabtaan.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in qorshaheenii aysan waxaba iska bedelin, waxaan diyaar u nahay oo hormuud ka noqon doonaa dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada K/Galbeed, waxaan kaloo diyaar u nahay in doorashada K/Galbeed ay ku qabsoonto waqtigii lagu heshiiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Fargeeti.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Siyaasiyiinta K/G oo shaaciyey hal arrin oo Xasan Sheekh uu ka codsaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this