Sign in to follow this  
Deeq A.

Baashe Cawil oo kuu baaqay in la raaco is waafajinta Dooorashooyinka Ee Wakiilladu Ay Ansixiyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Baashe Cawil oo kuu baaqay in la raaco is waafajinta Dooorashooyinka ee Wakiilladu ansu
Ansixiyeen

Hargeysa(Qaran) Danjire Baashe Cawil, ayaa ku baaqay in la aqbalo go’aamadii ay maanta soo saareen guddida isu-xilqaamay khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Akhri qoraal uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan

“Mar haddii dhinacyadii arrintani khusaysay ay markii horeba ka aqbaleen ergada hawshan gashay in ay ku kalsoonaanayaan wixii goaamo ah ee ay soo saaraan, kalsooni buuxdana siiyeen.

Waxa iminkana la gudboon in dhinacyada hawshani khuseyso aqbalaan go’aamadan ay kasoo saareen khilaafka taagan.

Haddaba Waxaan si mug leh iyo miisaan leh u taageerayaa, una arkaa inay Maanta tahay maalin kale oo Wax-garadkeenu Taariikhda ku galeen in ay Qaranka ka badbaadiyaan dhibaatooyin dhaqan dhaqaale oo ay bulshadeenii reer Somaliland waajahayeen sannadihii u dambeeyay, sidaas darteed xaajo walba oo kale oo ay xisbiyo, ururo, muxaafad iyo mucaarad ay si gaar ah u rabeen waa inay ku liqaan una hoggaansamaan go’aamada Salaadiinta iyo Waxgaradka East Burco Clan isku xil qaameen ee ay soo saareen 27kii August, 2023 ay ku soo saareen go’aamadaas. Iyadoo golaha Wakiilladana aan ku bogaadinayo inay sharciyada waafajiyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this