Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Roobab la Filayo inay ka Da’aan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Roobab la Filayo inay ka Da’aan Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ka hadlay roobab la filayo in ay dalka ka da’aan iyo arrimaha isbedelka cimilada ee jira.

Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay in wasaaraddu ay marwalba diyaar u tahay in ay bulshada la socodsiiso isbedelka cimilada iyo saadaasha la filaayo, iyada oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in la saadaalinayo dufaanta loogu magacdaray Aliino, taas oo ay barbar socdaan roobab Mahiigaano ah oo uu sheegay in ay sababi karaan daadad keeni kara dhibaatooyin waxyeelo geysan kara, saamaynna ku yeelan kara meelo adduunka kamid ah oo ay Somalilandna kamid tahay.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in saadaashu sheegayso in Duufaanta Aliino la saadaalinayo bilaha October iyo November.

Wasiirka ayaa sheegay in Duufaanta Aliino ay Somaliland kusoo gaadhi doonto hab roobaad lamid ah roobabkii da’ay dayrtii biyo badanta.

Dadka reer Somaliland ayuu wasiirku usoo jeediyey in aanay ka qaadin wax cabsi ah, waxaanu beeraleyda ka codsaday in ay ka faa’iidaystaan xili roobaadyada la saadaalinayo .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this