Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax Cirro oo Bogaadiyay Golaha Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashax Cirro oo Bogaadiyay Golaha Wakiillada

Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Maxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa bogaadiyay xildhibaannada Golaha Wakiillada oo uu ku ammaanay inay qabyo-tireen xeerkii Doorashooyinka.

Sidaasna wuxuu ku iftiimiyay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:-

“Waxa aan hambalyo & bogaadin isku sidkan u dirayaa isla markaana u mahad celinayaa Shir-guddoonka & Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL oo maanta qaybyo tiray dhammaan xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada, Axsaabta Qaranka iyo Ururada siyaasadda kuna ansixiyey cod aqlabiyad ah oo aanu Goluhu u kala hadhin.

Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hormuud u noqdeen sharciyeynta doorashooyin dalkan inooga qabsooma si heshiis iyo wadar-oggol lagu yahay, waana arrin ay Shacbiga Somaliland filayeen in badan, sida oo kale Golaha Guurtida waxaa laga filayaa in ay waajibkooda iyaguna sida ugu dhakhsaha badan uga gutaan. Somaliland ha noolaato.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this