Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Badbaadada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya  iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Gabeed.

Siyaasiyiinta ayaa  u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab  ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Al-shabaab , isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah.

Safarka mas’uuliyiintaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaanahaan madasha Koonfur Galbeed kulamo ka dhan ah madaxweyne Laftagreen ay ka wadeen gudaha iyo dibadda, iyaga oo dalbanayay in la fuliyo heshiiskii la gaaray sidoo kalena la qabto doorashada madaxweynaha maamulkaasi xilli la gaaray waqtigii doorashada, kadib heshiiskii muddo kordhinta maamullada ee halka sano.

Goobjoog News

aaa-1024x683.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this